Dowlada oo Waxka bedel Ku Sameeyse Adeega iyo Qidmada Xajka Sanadkan

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya iyo guddiga Arrimaha Xajka ayaa sannadkan shaaciyey khidmada lacageed ee laga qaadayo Xujayda Soomaalliyeed ee doonaya inay sanadkan soo Xaj gutaan.Qiimaha sanadkan ayaan wax weyn ka duwanayn kii hore, marka la eegana farqiga ayaa dhan wax aan ka badnayn konton dollar.Agaasimaha guud ee wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha diinta ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha guddiga arimaha Xajka Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa BBC-da u sheegay in isbaddal uu ku yimi qiimaha sanadkan iyo halka la dajin doono xujayda intaba.

“Dadaal badan ayaan ka wasaarad ahaan bixinay iyadoo waliba canshuurta Sacuudigu ay korortay, qiimaha oo hooseeya iyo xujayda oo sidii hore uga dhow Xaramka waa u dan, waxaana u aragnaa inaan horumar ka samaynay arintaas” ayuu yiri Maxamed Xaaji.Soomaaliya ayaa sanadkan helaysa tiradii ay sanadkii hore heleen oo dhamayd ilaa kow iyo toban kun iyo lix boqol, “balse dadaalo ayaan wadnaa” ayuu BBC u sheegay agaasime Maxamed.

Waxaa jiray cabashooyin qaar ka mida Xujaydii sanadkii hore ay ka muujiyeen halka la dajiyey kuwaas oo warbaahinta la hadlay, su’aal ay BBC-du arintaas ka waydiisay Agaasimaha guud ayaa ahayd waxa ay kaga jawaabayaan cabashada hadday jirtay iyo in kale“Sanadkii hore haddii ay qabeen in Xaramku uu ka yara fogaa waa cagsigeeda, wuu u dhawaa basle Jamaraadka oo muhiim u ah Xujayda waa u dhawaayen kuwa Soomaaliyeed” ayuu intaa raaciyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *